Beelihii Ku Dagaallamay Gobolka Sool Oo Wada Hadal Uga Billowday Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa wada hadal uga billowday beello walaalo ah oo dhawaan ku dagaallamay deegaanka Dharkeyn Geenyo ee gobolkaasi, dagaalkaasi oo khasaare badan dhaliyey.

Waxgaradka gobolka Sool iyo xubno ka socda maamulka Somaliland waxaa us uurta gashay in la joojiyo dagaalladii tooska ahaa ee socday, waxaana sidoo kale lagu guuleystay in waxgaradka Labada dhinac meel la isugu keeno.

Wararka ay Goobjoog News helayso waxay sheegayaan in beelihii dagaallamay hadda ka wada hadlayaan wixii dhacay iyo sidii ay wax ku billowdeen.

Maamulka Somaliland iyo Odayaasha dhaqanka Gobolka ayaa wada dadaalladii ugu dambeeyay ee lagu xallinyey dagaalladaasi.

In kabadan 30 qof ayaa dagaalladii ka dhacay gobolka Sool ku geeriyootay waxaana dhaawacmay tiro intaasi ka badan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW