U bood dhigaalka

Beello Dhawaan Ku Dagaallamay Gobalka Hiiraan Oo Xabad Joojin La Kala Dhex Dhigay

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan gobalka Hiiraan ayaa ku guuleystay in xabad joojin ay kala dhex dhigaan beelo dhawaan ku dagaallamay deegaan ku yaalla duleedka degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan, islamarkaana ay kala qaadaan maleeshiyaadkii dagaallamay.

Nabadoon Xuseen Cosobow oo ka mid ah waxgaradkii ku howlanaa xallinta beelahani dagaallamay ayaa u sheegay Goobjoog News, in hadda rajo aad u wanaagsan ay ka qabaan in la dhameeyo wax walba oo lagu dagaallamay.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in 22-ka bishaan October ay miiska wada hadalka fariisan doonaan beelahani dagaallamay, si loo dhameeyo wax walba oo dagaalka kasoo billawday.

“Ilaahay ayaa mahad leh, waxaan joojinay xabadii, waxaa la kala qaaday maleeshiyaadkii diriray, ciidamada dowladda ayaa la kala dhex dhigay waxaana Labada dhinac wada hadal la’isugu keenayaa 22-ka bishaan” ayuu yiri Nabadoonka.

Dagaalladaasi ka dhacay gobalka Hiiraan, waxa ay ka billawdeen baraag Biyaha lagu keediyo, iyadoo halkaasi ay ku dhinteen Seddax qof, sidoo kalena dhaawac uu jiro.

Inta badan dadka ku dhaqan baadiyaha ayaa ku dagaallama Ceelasha, Baraagaha biyaha iyo dhul beereed, iyadoo ay dagaallo sidaan oo kale ah ka dhaceen deegaanno badan oo ka mid ah gobalada dalka qaarkood.

Goobjoog News