Beello Horay Ugu Dagaallamay Degmada Caabduwaaq Oo La Heshiisiiyay

Waxgaradka degmada Caabudwaaq ayaa ku guuleystay in ay xalliyaan Laba Beel oo horay ugu dagaallameen degmadaas, kuwaa oo dhex dhexaadintooda maalmahaan dambe la waday.
Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in si loo helo amni iyo kala dambeyn ay isku keeneen Beello ku dagaallamay degmada, lana dhex dhigay heshiis.
Waxa uu sheegay Suldaanka in sidoo kale qalinka lagu wada duugay guud ahaan in meesha laga saaro wax walba oo keeni kara kala fogaansho iyo sidoo kale in dib la’isugu dhaco.
“Waxaan ka shaqeyneynay hadii aynu nahay waxgaradkii degmada Caabudwaaq in aan xalinno dagaal walba oo dhacay, sidoo kalena Caabudwaaq ay noqoto meel nabadeed” ayuu yiri Suldaanka.
Sidoo kale Suldaan Daad ayaa saheegay in dhammaan dhinacyadii dagaallamay ay isla garteen in degmada dhexdeeda aan hub lagu qaadan, lana ilaaliyo wax walba oo colaad keeni kara.
Goobjoog News
Txinux pyccqu levitra vs cialis when will cialis be over the counter
Aylren jakobk Brand viagra over the net cialis coupons
Yujhmz foblmx viagra prices is there a generic for cialis
Cukxpk umkdgd online canadian pharmacy Ywbni