U bood dhigaalka

Beello Ku Dagaallamay Gobalka Hiiraan Oo Wada Hadal Laga Dhex Billaabay

Sheeko:Dalka

Wada hadal nabadeed ayaa laga dhex billaabay beello walaalo ah oo dhawaan ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobalka Hiiraan, kaasi oo ay horkacayaan Odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin.

Cumar Aadan Xasan oo horay u ahaa wasiirkii dalxiiska Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ku howlanyihiin qaboojinta xaaladda dagaal oo ka taagan qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan

Waxa uu xusay in ay Gacan weyn ka sii nayaay wada Hadlidda odayaasha dhaqanka ee Labada beel si loo helo nabad waarta.

“Waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo nabadda, gacan laga siiyo waxgaradka Labada dhinac in la wada hadlo, la dhameeyo wax walba oo la kala tabanayo” ayuu yiri Cumar Aadan.

Sidoo kale mas’uulkan ayaa sheegay in ay la kulmeen Odayaasha dhaqanka ee beellaha ku dagaallamay magaalada Baladweyne, islamarkaana ay ka dhaadhiciyeen in la heshiiyo oo la dhameeyo colaadda gobalka kusoo laab laabatay.

Ugu dambey, wasiirkii hore ee dalxiiska maamulka Koonfur Galbeed Cumar Aadan ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya gobalka Hiiraan in ay shacabka u turaan, islamarkaana wax walbo ay ku dhameeyaan miiska wada hadalka.

Goobjoog News