U bood dhigaalka

Beelo Ku Dagaallamay Gobalka Shabellaha Dhexe Oo La Heshiisiiyay

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Shabellaha Dhexe ayaa ku guuleystay in heshiis uu kala dhex dhigo beello walaalo ah oo ku dagaallamay duleedka degmada Warsheekh ee gobalkaasi.

Mas’uuliyiin isugu jirta gudoomiyeyaal gobal, Xildhibaanno iyo xubno kale ayaa gaaray degmada Warsheekh si ay uga qeybgalaan heshiiskaasi ay sida kama dambeystay ah qalinka ugu duugayeen dhinacyadii dagaallamay.

Maanta ayaa lasoo laabi doonaa gogoshii nabadeynta, waxaana la xalliyay wax walba oo Labadaan Beel soo kala gaaray.

Gudoomiyaha Gobalka Shabellaha Dhexe Cali Guudlaawe ayaa sheegay inuu maamulkiisa taageeri doono heshiiska ay beelahaan gaareen iyo fulintiisa.

Waxa uu tilmaamay in tani ay qeyb ka tahay sida loogu heelan yahay in nabad waarta ay ku wada noolaadaan dhammaan dadka wada deggan gobalka Shabellaha Dhexe.

Dagaalkaan ka dhacay degmada Warsheekh, gaar ahaan duleedka degmadaasi ayaa markii hore la sheegay inuu ka billawday Ceel biyood la’isku qabsaday.

Goobjoog News