U bood dhigaalka

Beello Ku Dagaallamay Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya Beello halkaasi wada deggan uu xalay illaa saakay halkaasi ku dhexmaray.

Deegaan lagu Magacaabo Dharkeyn kuna dhaw degmada Laascaanood ayeey beellahani ku dagaallameen waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay 8 qof oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaallamay iyo dad shacab ah.

Maanta oo Sabti ah ayaa lasoo sheegayaa in xaaladda ay tahay mid kacsan iyadoo xaaladda ka jirta deegaankii lagu dagaallamay ay usoo gudubtay degmada Laascaanood.

Maamulka ka arrimiya gobolka Sool kama aanu hadal dagaalladan, hase ahaatee waxaa socda dadaallo ay wadaan Odayaasha dhaqanka oo ay kau doonayaan in arrintan ay ku xalliyaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News