U bood dhigaalka

Beelo ku dagaalamay Cabuudwaaq oo la heshiisiinayo

Sheeko:War

Meel wanaagsan ayaa lagu soo waramayaa in ay marayaan wada hadallo lagu doonayo in lagu soo af meero xiisado gacan ka hadal ah oo dhowaan ka dhacay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Xildhibaano iyo Siyaasiin ka soo jeeda Gobolka Galgaduud ayaa ka qayb qaadanaya dadaaladan lagu dejinayo xiisadahii ka jiray Degmadaasi.

Qaybaha kala duwan ee Bulshada ku Nool Degmadaasi ayaa sheegaya in tallaabadan ay tahay mid hore loogu sii qaadayo wada hadallada la isku fahamsiinayo dhammaan beelaha wada dega Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowladda federaalka Soomaaliya Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa dhankiisa ugu baaqay maleeshiyaadka ku dagaalamay degmada in ay si nabdoon ku wada hadlaan, colaadana ay ku bedelaan nabad.

Dagaalladan oo todobaadkii hore ka dhacay degmada ayaa sababay dhimashada dad kor u dhaafaya 10 ruux, iyo dhaawac fara badan.