U bood dhigaalka

Beelo Ku Dagaalamay Galgaduud oo Heshiis Hordhac ah Ku Gaaray Cadaado

Sheeko:Amniga
Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Ahmed Osman Adan oo wehlinayo Agaasimaha Dib-U-heshiisiinta Mudane Mohamud Nour Hashi ayaa  ka qeeyb galay shirka dib-u-heshiisiinta Beelaha walaalaha ah ee kala daga degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Shirkaan oo heshiis hordhac ah lagu gaaray ayaa waxaa kasoo qaybgalay odayaasha labada dhinac, waxgaradka, bulshada deegaanka iyo maamulada degmooyinka Cadaado Iyo Godinlabe, waxaana lagu gaaray heshiis lagu soo afjarayo shaqaaqo dhor jeer dhexmartay laba Beelood.
Wasiir Ahmed Osman Adan oo Khudbad ka jeediyay goobta ayaa faray odayaasha dhaqanka iney go,aamo adag ku gaaran gogoshaan si bulshadu Nabad ugu wada noolaato isagoo sidoo kale xusay in Dawlada Galmudug damaanad qaadayso inay fulin-doonto wixii lagu heshiiyo amniga goobahaana ay ayadu sugi-doonto, halkaas oo dhowr jeer dhinacyadu ay ku dagaalameen
Odayaasha labada beelood oo goobta ka hadlay ayaa xusay sida ay diyaarka ugu yihiin inay Nabad qaataan bulshadoodana u horseedaan inay Nabad buuxda ku wada noolaadaan, iyagoo sheegay Inay Dawlada kala shaqeyn doonaan in amni buuxa laga hirgaliyo goobahaas, waxaana halkaas lagu kala sixiixday heshiis laga gaaray wixii soo dhex maray labada dhinac.
Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo gogosha dhigay degmadiisa ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay go’aanka ay gaareen dhinacda waxaana uu sheegay in dhankooda ay adkeyn doonaan wixii lagu heshiiyay, isaga oo bulshada ugu baaqay in la qaato nabadda.
Goobjoog News