U bood dhigaalka

Beeraleey cabasho ka ah ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah beeraleyda ku dhaqan deegaanka Raqayle Aw-same oo ku yaala duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh/hoose ayaa cabsho ka muujiyay ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ay sheegeen in dhibaatooyin ay kala kulmeen.

Dadkaan oo maanta warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in ciidamo iyo saraakiil ka mid ah dowladda ay gaareen deegaankaasi, islamarkaan ay bur buriyeen beero iyo guryo halkaasi ku yaalay waa sida ay hadalka u dhigeen.

Maamulka gobalka Sh/hoose iyo kan degmada Afgooye, ayeey ugu baaqeen in deg deg wax looga qabto ciidamadaan iyo saraakiishooda.

Dhanka kale Goobjoog fm ayaa xiriir ay la sameysay maamulka degmada Afgooye si aynu wax uga weydiino waxa ka jira cabashadaan ay muujinaayaan dadkaan shacabka ah, hase ahaatee ma aanay inoo suurta gelin.

Halkaan hoose ka dhageyso Warkaan oo Afgooye kasoo diray Wariyaheena Maxamed Cabdi Xasan Afgooye/

Goobjoog News