U bood dhigaalka

Beeraley Ku Shiray Afgooye oo Ka Cawday Handadaad Loo Geystay

Sheeko:Dalka

Beeraha AfgooyeBeeraleey ku dhaqan tuulada shanta Baraako ee degmada Afgooye oo maanta shir degdeg ah isugu yimid ayaa ka hadlay dhibaatooyin ay sheegeen in ay u geystaan ciidamo gashan dareeska dowladda kuwaasi oo ay sheegeen in ay handadaan.

Mid ka mid beeraleeyda oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegey in isaga oo gurigiisa jooga inta loogu yimid lagu jir diley, laguna canaantay, islamarkaasina laga qaaday lacago sharci daro ah.

Qaar kale oo ka mid ah beeraleeyda ayaa sheegey in si xoog iyo juujuub ah looga qaado lacago lagu sheegey canshuuro oo uusan maamulka ka warheynin. Waxa ay intaasi ku dareen in maamulka dhowr jeer oo hore ay oga ashtikoodeen dhibaatada ay ragani ku qabaan.

Waxa ay ugu dambeyntii ku baaqeen in dowladda iyo maamulkaba ay wax ka qabtaan dhibaatadani xuquuqdooda loogu tumanayo.

 

Dhageyso

Goobjoog News