Beeraleyda Afgooye Oo Cabasho Ka Ah Rag Hubeysan Oo Lacago Baad Ah Ka Qaada

Qaar ka mid ah beeraleyda ku dhaqan degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in dhibaato xooggan ay ku qabaan rag ay sheegeen in ay hubeysan yihiin, islamarkaana beeraleydaasi ka qaada lacago ay ku sheegeen in ay yihiin Baad.

Nimca Cabdow oo ka mid ah beeraleydaasi ayaa u sheegtay Goobjoog News in raggaan ay ku labisan yihiin dareeska ciidamada dowladda, islamarkaana lacagaha ay ka qaadanayaan aanay ahayn middii canshuurta.

“Waxaan cabsi ka qabnaa inaan beeraheena aadno, maxaa yeelay lacago baad ah ayaa maalin walba nalaga rabaa, waxay xiran yihiin raggaan baadda naga qaadayo dharkii dowladda, mana u jeedno cid naga qabaneysa” ayeey tiri Nimca.

Ugu dambeyn Nimca Cabdow ayaa ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed in ay wax ka qabtaan cabashadooda oo noqotay mid soo laablaabatay.

Weli dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ka aysan hadli raggaan hubeysan iyo halka ay ka socdaan, balse gobalka Shabellaha Hoose, meello ka mid ah waxaa ka jira isbaarooyin ay dhigtaan rag hubeysan, dowladana waxay sheegtay in raggaasi tallaabo adag laga qaadi doono.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW