Beeraleyda Afgooye Oo Maanta Tababar Looga Furay Magaalada Muqdisho

Qaar ka mid ah beeraleyda gobalka Shabellaha Hoose, gaar ahaan degmada Afgooye ayaa maanta loo furay tababar xagga beerashada ah, waxaana tababarkaasi soo agaasintay wasaaradda Beeraha ee xukuumadda Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Maxamuud Maxamed Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tababarkaan uu yahay mid beeraleyda Soomaaliyeed, ay ka faa’idi doonaan sidii ay u hormarin lahaayeen tacabkooda, waxaana uu sheegay in wasaaradda ay ballaarinayso qorshaha tababarada lagu siinayo beeraleyda Soomaaliyeed, ayna sii kordhinayaan tababarada sidaan oo kale ah.

Waxa uu sheegay agaasimaha cashiradaan markii ay dhamaadaan inay rajo wanaagsan ka qabaan in waxbadan ay ka faa’idaan beeraleyda.

“Waxaan aad idiin kaga rajeynayaa in cashirada la qaadanayo aad ka faa’ideysataan, dadka meeshaan lagu tababaro waa hogaamiyayaashii iyo fidiyaashii iskaashatooyinka ee tuulooyinka tacabka uu ka socdo, waxaa inoogu xigi doona dad kale” ayuu yiri agaasimaha.

Wasaaradda beeraha xukuumadda Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale tababaro u siisay beeraley Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale intaasi dheer in beeraleyda ay siiyeen agab ay wax kusoo saartaan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW