U bood dhigaalka

Beeraleyda Degmada Afgooye Oo Cabasho Ka Ah Isbaarooyin Lacago Badan Looga Qaato

Sheeko:Dalka

Beeraleyda ku dhaqan degmada Afgooye iyo deegaanno ku dhaw degmadaasi ayaa ka cabanaya rag hubeysan oo Isbaarooyin dhigta wadooyinka gala degmadaasi, kuwaa oo qaata lacago badan.

Qodata Qudaarta ee degmada Afgooye iyo sidoo kale tuulooyinka degmadaasi ku dhaw ayaa sheegay in lacagaha ay ka helaan Qudaarta inta badan Isbaarooyin looga qaato.

Iisho Cabdullaahi Aadan waxay ka mid tahay beelareyda Qudaarta ee degmada Afgooye, waxay u sheegtay Goobjoog News in lacagaha looga qaato Isbaaro, hadii lacag laga waayana ay la kulmaan jir dil.

“Jidka ayeey noo galayaan, waxay leeyihiin hooyooyinka ayaa lacagta haya, aniga iyo naag kale ayeey na qabteen, waxay dhaheen lacag keena, waxaan dhahnay ma haynno lacag, anniga Seddax ul ayeey igu dhufteen naagta kalena Afar” ayeey tiri Iisho.

Dhinaca kale maamulka degmada Afgooye oo aynu xiriir la sameynay waxay sheegeen in marnaba aysan waxbo ka qaban karin falalkaan amni xumida, gaar ahaan Isbaarooyinkaan yaalla banaanka degmada Afgooye.

Sidoo kale Maxamed Shiino waa afhayeenka maamulka gobalka Shabellaha hoose, isna Goobjoog News ayuu u sheegay in marnaba aysan maqal Beeraley cabasho ah, waxaana uu tilmaamay in maamulka ay si caadi ah u wadaan howlgallada ka dhanka ah Isbaarada.

“Annaga ammaanka gobalka Shabellaha hoose mas’uuliyad ayaa naga saaran, howlgallo lagula dagaallamayo Isbaarada waan wadnaa, laakiin weli beeraley cabasho ah nama soo gaarin” ayuu yiri Afhayeenka.

Gobalka Shabellaha Hoose waxaa inta badan lagu dhibaateeyaa dadka shacabka ah ee wadooyinka gobalkaasi ku safra, iyadoo rag hubeysan ay dadkaasi jidka u galaan.

Goobjoog News