U bood dhigaalka

Beeraleyda Gedo oo ka baqaya in Sanadkaan uu soo go’i waayo dalagyadii ay beerteen (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Beeralayada Gobolka GEDO, ayaa sheegay in cabsi ay qaban in sanadkan ay soo go’i waayaan dalagayadi ay beerteen ka dib markii wabiga Jubba oo karkarada jabsaday ay baa’biyeen dalagii beeraha.

Beeralayda qaarkood ayaa sheegaya in sanadkan ay soo wajahaday laba xaaladooda oo ay ku kala sifeeyeen abaaraha iyo fatahada wabiga.

Mid ka mid ah dadka gobalkaasi ku sugan ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dadka aanay haysan waxyaabo ay noloshooda ku maareeyaan, abaarna ay kasoo daaleen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu ka dalbaday dowladda Federaalka ee Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Beeraha in ay ka gacan siiso shacabka ku dhaqan Gedo sidii ay ku bad baadi lahaayeen beerahooda.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News