U bood dhigaalka

Beeraleyda Gobalada Bay Iyo Bakool Oo Cabasho Ka Muujiyay Cayayaan Dhibaato ku haya Beerahood (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BeerBeeraleyda gobalada Bay iyo Bakool ayaa cabasho waxa ay ka muujiyeen cayayaan ay sheegeen in dhibaato ku hayo dalaga beerahooda.

Qaar ka mid ah beeraleydaan oo tababar xagga abuurka beeraha ah ku qaadanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegay in xilligaan cayayaan badan uu baabi’inayo beerahooda.

Wasaaradda beeraha xukuumada Soomaaliya ayeey si wadajir ah ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan cabashadaan ay gubinayaan si dalagooda uu u noqdo mid ka badbaada cayayaankan.

“Ma haysano wax aan isaga difaacno cayayaankaan, waxaana dhibaatada ugu daran ay tahay in dalagii uu naga baabi’inayo, sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa maamulka Koonfur Galbeed iyo wasaaradda beeraha dowladda Federaalka in naloo keeno qalab aan kula dagaalanno cayayaanka” sidaasi waxaa inoo sheegay mid ka mid ah Beeraleydaan.

Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa inta badan cabasho ka muujiya cayayaan dhibaato u geysta dalagooda.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News