U bood dhigaalka

Beeraleyda Shabeellaha hoose oo cabasho u gudbiyay xukuumadda

Sheeko:War

Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Cabasho ay soo gudbiyeen Guddiga Beeraleyda Gobolka Shabeellaha hoose loo gudbiyay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha waaxda badbaadada ee Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Muuse (Malise) ayaa Goobjoog FM u sheegay in Guddiga beeraleyda ay wasaaradda soo gaarsiiyeen cabasho ku aadan Kooxo hubeysan oo dhac iyo boob ka geysta wadooyinka Gobolka Shabeellaha hoose.

Xuseen Muuse (Malise) ayaa tilmaamay in Cabashadaasi ay gaarsiiyeen wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Amniga si wax looga qabto isbaarooyinka iyo shaqsiyaadka hubeysan ee dhaca iyo boobka ku haya beeraleyda Gobolka Shabeellaha hoose.