U bood dhigaalka

Beesha Caalamka: Aad Ayaan Uga Walaac Sannahay Xaaladda Soomaaliya!

Sheeko:Amniga

Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee saacadihi la soo dhaafay ka taagan gudaha dalka.

War-saxaafadeed ay soo saareen saaxiibada caalamka ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin waxa ka socda dalka, iyagoo ku baaqay in xaaladda wadahadal lagu dhameeyo.

“Saaxiibada beesha caalamku* waxay iyagoo aad uga walaacsan si dhow ula socdaan xaaladda taagan iyo waxyaabaha ku soo kordhay siyaasadda. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqaynaa inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo inay ka joogsadaan daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Beesha caalamka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in ay mar walba ku baaqeyso in dib loogu soo noqdo heshiiskii doorashada 17 september 2020 iyo 27 May 2021.

“Saaxiibada beesha caalamku waxayn marar badan ku celceliyeen walaac isa soo taraya ay ka muujiyeen wax isdaba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada Soomaaliya. Waxa lagama maarmaan ah in degdeg ah loo hirgeliyo heshiisyadii 17 Sebtembar 2020 iyo 27 May 2021, ee saldhigga u ah doorashooyinka iyadoo aan lagu sameyn wax carqalad dheeri ah,” ayaa lagu yiri qoraalka saaxiibada caalamka.

Saaxiibada caalamka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in kulan deg deg ah isugu yimaadaan madaxda golaha wadatashiga ee uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Rooble, si xal looga gaaro ismari waaga taagan.

 

“Kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha, oo ay weheliyaan wadtashiyada kale ee dhexmaraya saamilleyda muhimka ah, ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo dardargeliyo loona hagaajiyo geedi socodka, doorashadana loogu soo gunaanado si degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo heli doonta kalsoonida dadka Soomaaliyeed,” ayeey tiri beesha caalamka.

Walaaca beesha caalamka ayaa ku soo aadaya xilli ay sii adkaaneyso xaaladda iyo khilaafka u dhaxeeya madaxweynihii hore Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Goobjoog News