U bood dhigaalka

Beesha Caalamka “Galmudug Waa In Ay Wadahadal la Furtaa Puntland iyo Ahlu Sunna”

Sheeko:Dalka

War saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka Bariga Afrika ee IGAD, AMISOM, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka ayaa maamul goboleedka cusub ee Galmudug iyo dowladda federaalka looga dalbay in ay wadahadal la furan Puntland si loo xaliyo muranka ka dhashay arrinta soohdinta. Waxaa warsaxaafadeedka sidoo kale loogu baaqay Galmudug in ay wadahadal la furto dhinacyada wax tabanaya sida Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo kale.

“Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa inay Wadahadallo la furaan maamulka Puntland si loo xalliyo muranka Soohdinta ah ee taagan.” ayaa mar kale lagu yiri War-saxaafadeedka Beesha Calaamka.

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Dowladda Somalia iyo Puntland in ay Xushmeeyaan heshiisyadii ay ku kala saxiixdeen Muqdisho iyo Garoowe, kuwaasoo la xiriira xuduudaha. Ayaa war lagu yiri war saxaafadeedka.

Dhinaca kale beesha caalamka waxa ay si weyn u bogaadisey doorashada madaxweynaha Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Carabeey, waxaana war saxaafadeedka lagu yiri

“Waxaan u hambalyeynaynaa Madaxweynaha la doortay ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo madaxweyne ku xigeenka, Maxamed Xaashi Cabdi iyo sidoo kale waxaan iyana Hambalyo u diraynaa Xildhibaannada Galmudug ee wax doortay. Waxayna Doorashadu u dhacday si Cadaalad ah oo lagu Kalsoonaan karo,” ayaa lagu Sheegay War-Saxaafadeedka ay sida Wadajir ah u soo saareen xubnaha Beesha Calaamka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan wadahadal lala furo dhinacyada cabashada qaba si ay maamulka ugu soo biiraan. Waxaan soo jeedinaynaa bay yiraahdeen in maamulka cusub ee Galmudug uu noqdo mid loo dhan yahay, ayna wadahadal ku dhameeyaan wax walba oo ka horyimaada, iyagoo u muujinaya dhinacyada kale niyad-wanaag iyo kalsooni.

Iyagoo hoosta ka xariiqay in muranka taagan uusan sabab u noqon carqaladeynta amniga iyo xasilloonida xilligan ka jirta deegaannadaan.

Ugu dambeyn, Beesha Calaamka ayaa War-saxaafadeedkeedan kusoo Gunaanadday inay diyaar u yihiin inay kaalin ka Qaataan sidii xal looga gaari lahaa muranka hadda taagan ee dhanka xuduudaha Maamullada Gobollada Dalka.

Goobjoog News