U bood dhigaalka

Beesha Caalamka: Marwalbo Doorashada Dib U Dhacdo Waxaa Weecda Dhaqaalo Soomaaliya Lagu Taagerayo

Sheeko:Amniga

Beesha caalamka ayaa markale walaac ka muujisay dib u dhaca doorashooyinka dalka ee sanadkaan kuwaas oo muddo dhowr jeer ah oo horay dib uga habsaamay waqtigii loogu talagalay.

War-saxaafadeed ka soo baxay saaxiibada taageera Soomaaliya ayaa ugu horeyn lagu soo dhaweyay sida ay dhamaan maamulada dalka u soo gabagabeeyeen doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka 11-aad.

“Saaxiibbada Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey dhammeystirka doorashada Aqalka Sare ee daba socotay kulanki Golaha Wadatashiga Qaran ee 11 ka Nofeembar iyo ballan qaadka hoggaamiyeyaasha ee dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka ugu dambeyn dhammaadka Diseembar 2021,” ayaa lagu yiri war-saaxafadeedka Beesha caalamka.

Danjirayaasha dowladaha shisheeye ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay doorashooyinka dalka ee mar walba dib u dhaca.

Warka ka soo baxay Beesha caalamka ayaa lagu yiri “Si kastaba ha ahaatee, Saaxiibbada Caalamiga ahi waxa ay weli si weyn uga walaacsan yihiin jadwalka doorasho ee uu dib-u-dhaca weyn ku yimid waxa ayna ku boorrinayaan hoggaanka Soomaalida, ee dhammaan heerarka dowladda, in ay si deg deg ah u bilaabaan una dhammeystiraan geeddi-socodka doorashada ee kuraasta Golaha Shacabka. Waxa aan xusuuusan nahay in dhaqaale ku filan, oo ay qeyb ahaan bixineyso beesha caalamka, durbaba la heli karo si loo dhammeystiro qeyb weyn oo ka mida doorashooyinka Golaha Shacabka”.

Saaxiibada ayaa sidoo kale sheegay in ay marwalba sii wadayaan baaqooda ku aaddan doorasho hufan oo dalka ka dhacda, iyadoo la ilaalinayo dhamaan heshiisyadii doorashada oo ay qeyb ka yihiin ilaalinta qoondada Haweenka.

“Waxa aan sii wadeynaa in aan ku baaqno doorashooyin lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, wakhtigoodana ku qabsooma, kuwaas oo joogteya hufnaanta geeddi-socodka doorashada. Waxa aan si adag ugu boorrineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad Goboleed in, si waafaqsan heshiisyadii 17ka Sebteembar iyo 27 ka Maajo, ay hubiyaan in qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiba 30 la siiyo xubnaha haweenka ee baarlamaanka iyada oo loo marayo hannaan cad,” ayaa lagu yiri war-saaxafadeedka Beesha caalamka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in mar walba oo ay dib u dhacdo doorashada ay sababi karto Soomaaliya in ay weyso dhaqaalo loogu talagay in lagu taageero.

“Saaxiibbada Caalamiga ah waxa ay markale carrabka ku adkeynayaan walaacooda xooggan ee ah in mar walba oo uu dib-u-dhaca doorashadu daba dheeraado ay ka dhigan tahay in in badan oo wakhti iyo dhaqaale ah laga weecin doono hortebinnada muhiimka ah ee qaranka, sida ka jawaabista xaaladaha beni’aadanimo ee abaaraha, dowlad-dhiska iyo xaqiijinta amniga, kuwaas oo muhim u ah xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo daryeelka dadkeeda,” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-ka ka soo baxay Beesha caalamka.

Goobjoog News