U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Baaq Adag U Dirtay Siyaasiyiinta Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Beeshaa caalamka ayaa sheegtay in go’aanadii ka soo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, ay ahaayen kuwa loo baahnaa oo dib loogu habenynayay howlaha dooashada.

Wa-saxaxafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in ay beesha caalamka qarwaaqsan tahay heshiiski ka soo baxay shirka golaha wadatashiga.

“Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay garwaaqsadeen in shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee socday 3-9 Janaayo lagu gaaray is-afgarad la isku raacay ee ku saabsan wax ka bedelka iyo dib u habaynta habraaca iyo dedejinta waqtiga doorashada Golaha Shacabka,” ayeey tiri beesha caalamka.

Saaxiibada taagera soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay ku farax san yihiin go’aanka ra’iisul wasaaraha, sidoo kalena ay ku baaqayaan in hogaamiyayaasha soomaaliya ay ka shaqeeyaan danta guud.

“Waxaan ku faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay qaateen go’aamo ku saleysan wadatashiyo lala yeeshay bulshada rayidka, wakiillada haweenka iyo xubnaha mucaaradka. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay danta qaranka wax walba ka horraysiiyaan, ayna mudnaanta siiyaan soo gabagabaynta hannaan doorasho ee ay dadka Soomaaliyeed si weyn u aqbalaan, iyo inay ka fogaadaan daandaansi ka weecin kara hannaankaas oo kordhin kara khatar iska-hor-imaad ama rabshado . Dhammaan madaxda waa inay xaqiijiyaan in ciidamada amniga aan loo adeegsan hab siyaasadeed,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay beesha caalamka.

Daneeyayaasha ayaa sidoo kale sheegay in la joogo waqtigii la dhaqan gelin lahaa dhamaan heshiisyadii la gaaray.

“Waxaa la joogaa waqtigii ay dhammaan madaxda Soomaaliyeed diiradda saari lahaayeen in si degdeg ah loo dhaqangeliyo go’aannadii lagu heshiiyey si loo soo gabagabeeyo hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo marka la gaaro 25ka Febraayo,” ayaa lagu yiri warka saaxiibada caalamka.

Warka ka soo baxay beesha caalamka ayaa ku soo aadayo xilli dhawaan madaxda golaha wadatashiga qaranka ay ku heshiiyeen in 25 february lagu soo gabagabeeyo doorashada golaha shacabka.

Goobjoog News