U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Bogaadisey Tallaabadii Tartanka Looga Reebay Musharraxiin Aqalka Hoose Ah

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobey iyo beesha Caalamka ayaa waxay amaaneen tallaabadii uu qaadey guddiga doorashada Soomaaliya, taas oo tartanka looga reebayo qaar kamid ah musharraxiinta oo lagu eedeeyey in ay ku lug lahaayeen musuq maasuq iyo arrimo wax is dabomarin ah ayna rabeen iney ku hantaan kuraasta aqalka hoose ee baarlamaanka.

War-saxaafadeed lasoo saarey ayaa waxaa lagu sheegay in Labada guddi doorasho ee Heer Federaal iyo midka xallinta Khilaafaadka in ay dedaallo sameeyeen oo ay ku xaqiijinayeen sharci ahaanta iyo hufnaanta doorashada ka dhaceysa Soomaaliya.

Qaramada Midoobey, Midowga Africa, dowladaha ku bahoobey IGAD, Itoobiya Italy, Sweden, Ingiriiska, iyo Mareykanka  ayaa waxay bogaadiyeen tallaabooyinkaasi horumarka leh ee guddiyada ay qaadeen, waxay kaloo sheegeen in guddiga doorashada ay howshani qabteen iyaga oo raacaya shuruucdii doorashada 2016-ka kuwaas oo ay soo hageen madasha Qaranka, looguna talogalay in looga hortago wax walbo oo musuq iyo farogelin ah, kuwaas oo lagu fuliyey shaqsi walbo oo loo arkay inuu ku isticmaalayo waddooyinkaasi qaldan.

Ugu dambeyn War-saxaafadeedka ayaa lagu codsadey in loo hoggaansamo go’aanadii madasha qaranka ee ahayd qoondada haweenka ee 30%.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda doorashada xubnaha aqalka hoose, taasi oo la filayo in mar dhow ay soo gebogebowdo.

Goobjoog News