U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Farriin u Dirtey Madasha Hoggaanka Qaranka

Sheeko:Dalka

War qoraal ah oo si wadajir ah uga soo baxay dhinacyada beesha caalamka ayaa farriin waxaa loogu direy hoggaamiyeyaasha madasha wadatashiga qaran, taasi oo ku aadan arrimaha doorashooyinka.

QM, AU,EU, IGAD, Ethiopia, Italia, Sweden, UK iyo Mareykanka ayaa qoraal ay soo wada saareen waxay ku sheegeen in loo baahan yahay in la helo doorasho ku dhacda muran la’aan iyo sidoo  kale in meesha laga saaro wax walbo oo khilaaf keeni kara.

Waxaa war-saxaafadeedkan lagu sheegay in beesha caalamka ay si dhow ula socdeen howsha guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka iyo arrinta la xiriirta wax isdaba marin ay sheegeen iney dhacday inta lagu guda jirey hannaanka doorashada 2016.

Beesha Caalamka waxay codsatey in sharaxaad laga bixiyo 24 kursi oo markii hore la geliyey dib u eegis iyo waxa guddiga xallinta khilaafaadka ugu soo koobeen 11 kursi oo kaliya.

War-saxaafadeedkan waxaa lagu sheegay in guddiga Xallinta khilaafaadka doorashooyinka ay mas’uul ka yihiin in ay bannaanka soo dhigto xaqiiqda ku dahaaran iyo sida looga saarey kuraasta qaarkood, qaarkoodna looga diidey liiska dib ugu celinta.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating  ayaa yiri “Madasha waa iney go’aan ka gaartaa kuraasta la isku khiaafsan yahay ee aqalka hoose, oona la yimaadaan qaab ay aqbali karaan umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka”

Waxaa weli muran uu ka taagan yahay 11-ka kursi ee aqalka hoose ay ka laaleen guddiga xallinta khilaafaadka doorashada iyadoo maamul goboleedyada ay diideen in lalaalo xubnahan.

Goobjoog News