U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Ka Walaacsan Xasilooni-darrida Siyaasadeed iyo Midda Amni Ee Dalka

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, UK iyo Marekanka waxaa ay aad uga walaacsan yihiin xasilooni-darrida siyaasadeed iyo midda amni ee korortay, tan oo carqaladeyn karta horumarka laga gaaray arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Qoraal ay soo saareen, Beesha caalamka waxaa ay madaxda Soomaalida ugu baaqeen in ay ixtiraamaan qarannimada iyo dastuurka marka xal loo raadinayo xasaradaha jira.

Beesha caalamka waxaa ay soo jeediyeen in baarlamaanka iyo xukuumadda u wada hadlaan si ixtiraam ku jiro maalmaha soo socda.

Qoraalka beesha caalamka waxaa uu ku soo aadayaa xilli xasarad ka dhex taagan tahay sharci-dejinta iyo fulinta taas oo isku badashay xasilooni-darro siyaasaadeed iyo mid amni

Goobjoog News