U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Puntland Iyo Somaliland Ku Cadaadinaya Xal Ka Gaarista Tukaraq

Sheeko:Amniga

Beesha caalamka ayaa haatan waxay wadaan dedaal badan oo la doonayo in lagu soo afjaro colaadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Xubno ka socday Qaramada Midoobay iyo IGAD ayaa magaalada Hargeysa waxay kulan kula yeesheen madaxda ugu sarreysa Somaliland, waxaana ay kala hadleen sidii loo heli lahaa nabadda Tukaraq.

Sacad Cali Shire, wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa u sheegay warbaahinta in xubnahan tagay Hargeysa ay kala hadleen Somaliland sidii loo maareyn lahaa xaaladda Tukaraq.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in laga wadahadlay sidii Xabad joojin loo sameyn lahaa, in maxaabiista la isku celiyo iyo sidoo kale in hay’adaha samofalka ah ay gar-gaar u fidiyaan dadka shacabka ah.

Ugu dambeyn, wasiir Sacad ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in geeddi socodka wadahadallada ee hadda bilowday laga gaaro guul wanaagsan.

Somaliland iyo Puntland ayaa ku dagaallamay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, iyadoo weli deegaankaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Labada dhinac.

Goobjoog News