U bood dhigaalka

Beesha Caalamka oo Shuruudo Ku Xirtay Maalgelinta Doorashada

Sheeko:Amniga

Beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa qoraal wadajir ah oo ay la wadaageen ra’isul wasaare Rooble iyo guddiyada doorashada ku sheegay in bixinta lacagta doorashada $27.2 Milyan ay ku xiran tahay in ugu yaraan saddex maamul ay guda-galaan doorashada golaha shacabka, lacagta laga qaadayo musharaxiintana la dhigo bangiga dhexe.

Dhanka kale, beesha caalamka waxaa ay ka hadashay in lacag dheeri ah oo xog baahinta la xiriira ay codsadeen guddiga doorashada, laguna qiyaasay ilaa $3.7 milyan ay diyaar tahay.