U bood dhigaalka

Beesha Caalamka oo Si Kulul uga Hadashay Ciidamada isku uruursanaya Gedo, Baaq Degdeg Ahna Dirtay

Sheeko:Amniga

Warsaxaafadeed ay soo saartay beesha caalamka ayaa waxa ay walaac xooggan uga muujisay xaaladda gobolka Gedo iyo ciidamada gobalkaasi isku aruursanaya ee kuwa dowladda iyo ciidamada daraawiishta Jubbaland, waxaana dhinacyadaasi ay u dirtay baaq degdeg ah.

Halkan ka akhriso warka ka soo baxay beesha caalamka eek u aadan xaaladda gobalka Gedo

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay walaac xooggan ka muujinayaan ciidamada amniga ee isku urursanaya gobolka Gedo ee Jubaland, Soomaaliya iyo isku dhacyadii 2dii bisha Maarso ka dhacay agagaarka Beled-Xaawo kuwaas oo sababay barakaca dad rayid ah iyo khasaarooyin.

Waxaan si deg deg ah ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ishaya inay is xakameeyaan, ay yareeyaan ciidamada amniga ee ku sugan Gedo, ayna ka fogaadaan fal kasta oo kicin kara rabshado. Waxaan ogsoonnahay muhiimadda ay leedahay xasilloonida iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya oo ku dhexmara deegaan xuduudeed ay wadaagaan halkaas oo ay ka wada dhexeeyaan dano amni.

Waxaan soo dhoweynaynaa xiriirkii 5tii Maarso dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaana ku dhiirigelineynaa madaxda inay sii wadaan daminta xiisadaha, iskaashiga amniga xuduudaha, iyo in la sameeyo guddi wadajir ah oo wax ka qabta arrimaha diblomaasiyadda iyo ganacsiga sida ay madaxduba iskugu af-garteen. Saaxiibadu waxay u arkaan wada-hadalka dhexmaray madaxda in uu yahay tallaabo lagama maarmaan ah, waxayna hoosta ka xarriiqayaan muhiimadda uu leeyahay in uu sii socdo xiriir toos ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Kenya. Saaxiibadu waxay Urur-Goboleedka IGAD uga mahad-celinayaan xiriirka iyo dadaallada dhex-dhexaadinta ah ee uu sameeyay; waxaana ku boorinaynaa in wada-hadalkan uu sii socdo ilaa iyo inta xal waara laga gaarayo.

Si muddada dheer loo helo xasillooni loona xaqiijiyo amniga gobollada xuduudaha ku yaalla iyo kan Jubaland, saaxiibadu waxay ku boorrinayaan iskaashi iyo wada-hadal dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo madaxda Jubaland si loo sii ambaqaado dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Waxay ku baaqayaan in shakhsi kasta ee lagu eedeeyay dembiyo ama xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka la soo xiro oo lala tiigsado sharciga iyadoo la raacayo sarreynta sharciga.

Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa in iskaashi buuxa iyo wadahadal dhexmara DFS iyo dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada ay yihiin lagama maarmaan loona baahanyahay inay ku dhacaan si dhakhso leh, si loola dagaallamo al-Shabaab, loo xalliyo arrimaha la isku hayo, loogana guul gaaro arrimaha kale ee hortabinta u leh qaranka sida ka-gun-gaarista faa’iidooyinka laga helayo cafinta deynmaha iyo qabashada doorashooyin qaran oo waqtigooda ku qabsooma.

Goobjoog News