U bood dhigaalka

Beesha caalamka oo soo dhoweysay heshiiska Barre Hiiraale ee Jubbooyinka

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD iyo Ururka Midowga Yurub ayaa soo wada dhoweeyay heshiiskii uu galay Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale, heshiiskaas oo uu uga qeyb gelayo geedi socodka dib u heshiisiinta iyo ogolaanshaha ay ogolaadeen qaar kamid ah ciidamadiisa aan caadiga ahayn in la baaro kadibna ay oogu suurto gasho in ay kamid noqdaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayagoo kaalmo ka helaayo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

“Waxaan soo dhoweyneynaa heshiiskaan ka dhex dhacay Korneel Barre Hiiraale iyo Maamulka Kumeelgaarka Jubba, heshiiskaas oo ay dhexdhexaadisay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca nabad-sameynta iyo qaran-dhisidda Soomaaliya. Waxaan diyaar u nahay in aan taageerno shirka dib u heshiisiinta ee la filayo in uu qabsoomo usbuucyada soo socdo, sidoo kalane waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada ay arrintu khuseeyso in ay la xariiraan dadka ay arrimaha khuseeyaan oo dhan, loolana xariiro dadkaasi si wax-dhisid iyo dib u heshiisiin ku dheehantahay. Waana in la xaqiijiyo sidii lagu dhowri lahaa dhamaan masaalixda iyo danaha umadahaas oo dhan (dadka ku nool Jubbooyinka). Saaxiibada Soomaaliya ee kasocdo Caalamka waxaa ka go’an in ay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan habka nabad sameynta iyo qaran dhisidda umadda Soomaaliyeed”.

Dhammaad.