U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Dib U Dhaca Doorashada

Sheeko:Amniga

Wakiilada Caalamka ee Soomaaliya ayaa markale walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Soomaaliya oo aan hadda aysan caddeyn waqtiga la qabanayo.

War-saxaafadeed ka soo baxay saaxiibada caalamka ayaa ugu horeeyn loogu baaqay in Farmaajo iyo Rooble xal dhab ah ka gaaran khilaafkooda oo la sheegay in uu dib u dhigay doorashada.

” Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Beesha caalamka.

Safiirada dowladaha shisheeye ee ka howl gala Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay taageerayaan in la soo gabagabeeyo doorashooyinka.

“Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin”, Ayaa markale lagu yiri hadalka ka soo baxay Beesha caalamka.

Ugu dambeyn Saaxiibada taageera Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka ay u baahan yihiin maamul sal adag oo wax qabad leh.

“Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday”, ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka Beesha Caalamka.

Goobjoog News