U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Kiiska Ikraan Tahliil

Sheeko:Amniga

Beesha caalamka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Kiiska Ikraan Tahliil, oo aheyd sarkaalad ka tirsan ciidamada NISA.

War ka soo baxay Saaxiibada Caalamka ayaa walaac looga muujiyay xaaladda Kiiska Ikraan, iyadoo ay Safiiradu sheegen in kiiska Ikraan uu abuuro khilaaf siyaasadeed oo cusub.

“Saaxiibada Beesha Caalamku waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada.” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Beeshaa Caalamka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale qoraalka ka soo baxay waxa lagu booriyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan fal kasta oo Rabshad keeni karo

“Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka ka soo baaxay Saaxibada caalamka ayaa loogu baaqay in laga wada shaqeeyo heshiisyadii doorashada ee horay loo gaaray

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.” ayaa lagu yiri markale qoraalka ka soo baxay Beesha caalamka.

Goobjoog News