U bood dhigaalka

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay xaaladda Laascaanood

Sheeko:Amniga

Xubnaha saaxiibada caalamka ayaa war ka soo saaray xaaladda gobalka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka halkaas oo ay muddo 8 cisho ah ay ka socdaan dagaallo u dhaxeeyo shacabka iyo ciidamada Somaliland.

“Saaxiibada Beesha caalamka* ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Beesha caalamka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku baaqday in si degdeg ah loo xaliyo dhibaatooyinka ka jira gobalka Sool, oo ay sheegtay in loo baahan yahay in lagu dhameeyo miiska wadahadalka.

“Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Beesha caalamka.

Hadalka ka soo baxay Beesha caalamka ayaa ku soo adaya xilli banaanbax ka bilawday dilka mid kamid ah aqoonyahanka gobalka Sool oo sababay dhimashada in kabadan 30 ruux oo shacab iyo ciidan isugu jira.

Goobjoog News