U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saatay Dib U Dhaca Doorashada Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Beesha calaamka ayaa markale war ka soo saartay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka golayaasha dowladda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay saaxiibada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay saaxiibada Soomaaliya ay aad uga walaacsan yihiin dib u dhaca doorashada.

“Saaxiibada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin dib-u-dhaca kusii socda geedi-socodka doorashada Soomaaliya. Inkastoo billowga dhowaan la billaabay doorashada Golaha Shacabka ay ahayd horumar wanaagsan, ayaa haddana jadwalka doorashada wuxuu si aad ah uga dib dhacay waqtigii loogu talagalay, waxaana loo baahan yahay in la dardargeliyo” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Beesha caalamka.

Danjirayayaasha fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale war-saxaafadeedkoodu ku sheegay in maamulada dalka iyo DF looga baahan yahay in mar walba la ilaaliyo qoondada Haweenka ee 30 boqolkiiba.

“Waxaan ku boorrinaynaa madaxda heer qaran iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo hay’adaha daadihiya doorashada inay si dhakhso leh ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay laguna kalsoonaan karo ee Golaha Shacabka ka-hor dhamaadka 2021ka, iyadoo la ixtiraamayo qoondada haweenka ee ugu yaraan 30 boqolkiiiba. Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa maamulka Galmudug in uu soo doorto labada kursi ee harsan si loo dhameystiro geedi-socodka doorashada Aqalka Sare,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in ay la socda heshiiskii Farmaajo iyo Rooble dhawaan gaareen waxayna labada ugu baaqeen in ay dardargeliyaan howlaha horyaalla.

“Saaxiibada caalamku waxay ogsoonyihiin ku-dhowaaqistii dhowaan lagu dhawaaqay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Waxaan ugu baaqaynaa labada hogaamiye inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshiiyay, oo ay diiradda saaraan arrimaha mudnaanta u leh qaranka, gaar ahaan dhammaystirka geedi-socodka doorashada, ayaa lagu yiri hadalka Beesha caalamka.

Ugu dambeyn waxaa markale DF iyo DG loogu baaqay in la ilaaliyo aas aaska doorashada heshiiskii 17 September 2020.

“Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku baaqayaan in si buuxdo oo dhakhso ah loo fuliyo heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020kii iyo 27kii Maajo 2021ka,”ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Goobjoog News