U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saaray Doorashada Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay qorshaha lagu soo gabagabeynayo doorashooyinka dalka, kuwaas dhowrjeer diba ugu dhacay waqtiga loo qabtay.

war kasoo baxay saaxiibada caalamka ayaa  lagu sheegay in ay soo dhawaynayaan doorashada loo asteeyay 15-bishan May.

“Saaxiibada beesha caalamka* ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqista guddiga qabanqaabada baarlamaanka ee ah in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto maalinta Axadda ee 15ka bisha Maajo 2022. Waxaa na dhiirigelinaya horumarka wanaagsan ee laga gaaray diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay beesha caalamka .

Hadalka beesha calaamka ayaa sidoo kale lagu yiri “Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon karta dib u dhac kale oo dheeraad ah. Iyadoo labada Aqal ee Baarlamaankaba la dhaariyay oo si buuxda u shaqeynayaan, arrin kasta oo doorasho oo taagan waa in ay xalliyaan madaxda baarlamaanka ee sida saxda ah loo doortay.

Saaxiibada Soomaaliya ayaa ku baaqay in la dardargeliyo doorashada, laguna qabto si nabdoon.

“Waxaan ku boorinaynaa madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah, nabdoon oo kalsooni ku dheehan tahay ku soo gabagabeeyaan marxaladdan kama dambeysta ah ee geeddi-socodka doorashada si loogu soo jeesto arrimaha dalka iyo dowlad-dhisidda ee mudnaanta leh, ayaa lagu yiri war kasoo baxay beesha caalamka .”

Goobjoog News