U bood dhigaalka

Beijing: Mareykanka Waxaa uu Ku Tuntay Qarannimada iyo Bedqabka Dhuuleed ee Shiinaha

Sheeko:Amniga

August 2, safar ay Shiinaha ku tilmaameen qar iskatuurnnimo iyo iska indhotiris mowqifkooda, dhammaan heshiisyada ka dhaxeeyey labada dal iyo xataa kuwa caalamkaba ayey gashay afhayeenka Congress-ka Mareykanka Nancy Pelosi kadib markii ay booqatay gobolka Shiinuha ee Taiwan. Arrintan waxaa uu Shiinaha u arkeen mid saameyn weyn ku yeelatay xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka,  ku xadgudub cad oo la xiriira qarannimada iyo bedqabka dhuleed ee Shiinaha iyo meel ka dhac ku aadan nabadda iyo xasiloonnida dunida.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa cambaareeyey safarka Nancy Pelosi ee  Taiwan isaga oo sheegay in tallabadaasi ay tahay iska indhotir mowqifka Shiinaha, khatarna ku tahay Shiinaha midka ah, una muuqato daandaansi siyaasadeed, taasi oo keentay in ay aad uga xumaadaan  guud ahaan shacabka Shiinaha iyo beesha caalamka.

Wang Yi oo caddeynaya mowqifka Shiinaha ee ku aadan Taiwan ayaa sheegay “Waxaan uga digeynaa Mareykanka in aaney ku riyoon in ay carqaladeyaan dib u mideynta Shiinaha, Taiwanna ay tahay qeyb ka mid ah Shiinaha iyo taariikh aan la badali karin. Isla markaana aan la ogolaan doonin kooxo madaxbannaani raadis ah ama faragelin dibadda ah toona.

Mareykanka si kasta oo uu u taageero xooggaga gobannimo doonka ah ee Taiwan waa hal bacaad lagu lisay, waana taariikh madow oo Mareykanka meel u taal.

Wasiirka arrimaha dibadda oo hadaliisa sii wata ayaa sheegay “Shiinaha waxaa uu cagta saaray wadaddii horumarka, nabadda ku wada noolaanshiyaha oo uu hormuudka ka yahay xisbiga Shuuciga. Mowqifka xukuumadda Shiinaha ee la xiriira Taiwan waa mid aan isbadalin, oo ka tarjumaya rabitaanka 1.4 billion oo shacabka Shiinaha ah, ahna si adag in loo ilaaliyo qarannimada iyo bedqabka dhuleed ee Shiinaha. Uma suuragaleyso dal, koox ama shakhsi in uu duwo rabitaankaas soojireenka ah ee dowladda iyo shacabka Shiinahaba ay uga go’antahay  ilaalinta qarannimada iyo bedqabka dhuleed iyada oo Shiinaha uu qaadi doono tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo qarannimadaasi iyada oo Mareyanka uu dusha saari doono cawaaqib xumida ka dhalata arrinkaas”.

Mar uu ha hadlayey heshiis horay u dhexmaray Shiinaha iyo Mareykanka waxaa uu Yi yiri “1979, Mareykanka waxaa uu qalinka ku duugay warmurtiyeed labogeesood ah oo Shiinaha iyo Mareykanka ay ku yeesheen xiriir diblomaasiyadeed waxaa ku jiray “Mareykanka waxaa uu aqoonsanyahay xukuumadda jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha in ay tahay midda keliya ee sharciga ah ee ka jirta Shiinaha, iyada oo taasi laga duulayo shacabka Mareykanka waxaa uu xiriir ganacsi, dhaqan iyo qaar kale oo rasmi aheyn la yeelanayaa shacabka Taiwan.” Congress-ka maadaama uu ka mid yahay hey’adaha dowladda Marekankana waxaa uu waajib ka saran yahay ilaalinta siyaasadda ay xukuumadda Mareykanka ku aqoonsatay Shiino mid ah iyo inuu ka fogaado xiriir rasmi ah.

Wasiirka waxaa uu Mareykanka ugu baaqay in ay ilaaliyaan danaha labada dal “Shiinaha dowlad iyo shacab ahaanba ma aqbalayaan tallaabadan ay qaatay Nancy Pelosi, waana in Mareykanka uu joojiyo taageerada uu siinayo kooxada raadinaya gooni u goosadka Taiwan, waa in uu meesha ka saaro in uu hadal dhaho, mid kasoo horjeedana uu sameeyo, waana inuu dhowraa warmurtiyeedkii 5-ta ballanqaad oo uu sameeyey Mareykanka oo ay ku jirtay “Ka fogaanta dagaal cusub oo qabow””, waa in Shiinaha iyo Mareykanka oo ah labo quwad ay ku dhaqmaan in si wada jir ah u ilaaliyaan danaha labada dal, ku dadaalaan in la wada guuleysto iyo nabad ku wada noolaanshiyaha, kana fogaanta isku dhacyada””.

Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi waxaa Washinton xusuusiyey xeerka UN-ka ee arrinkaasi la xiriira “Qaramada Midoobey waxaa ay aqoonsantahay Shiino mid ah, waxaana taasi lagu caddeeyey qaraarka jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa 2758  ee soo baxay 1971. Tan iyo markii la dhisay jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha 1949, ilaa 181 dal oo caalamka ayaa la yeeshay xiriir diblomaasiyadeed iyada oo uu ku qotomo mabda’ a hal dal oo Shiino ah””.

Goobjoog News