U bood dhigaalka

Beijing Oo Albashiir Ugu Baaqday In Uu Ka Soo Qebgalo Madasha Shiinaha Iyo Afrika

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa guddoomay waraaq kaga timid madaxweynaha ShiinahaXi Jinping, taasi oo ku saabsan xiriirka labo geesoodka ee labada dal iyo xiriirada ka dhaxeeya Shiinaha iyo dowladaha Afrika.

Warqaddaan ayaa madaxweynaha waxaa siiyay safiirka Shiinaha u fadhiya Suudaan, waxaana ku xusnaa in Al-bashiir uu ka soo qeyb-galo madasha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika taasi oo laqaban doono 3-4 September ee soo socota.

Al-bashiir ayaa hoosta ka xariiqay in xiriirka labada dal uu aad u horumaray isaga oo ka soo bilowday dhanka Taariikhiga ah haddana uu u gudbay dhanka istiraatiijiyadda, waxaa uu tilmaamay Suudaan in ay tahay Albaabka uu Shiinaha ka galayo Afrika.

Goobjoog News