U bood dhigaalka

Berbera: Dadka Dhimirka La’ Oo La Daweynayo

Sheeko:Caafimaadka

Isbitaal dadka dhimirka ka jiran lagu daweeyo oo ku yaalla magaalada Berbera waxaa lagu uruuriyay 21 qof oo ka jiran maskaxda kuwaasi oo laga soo qabtay gudaha magaalada Barbara iyo xeebta ku hareereysan.

Dadkaan ayaa 20 ka mid ah rag halka qofka kalena yahay Haweeney ayaa ururintooda waxaa isku xilqaamay guddi isugu jira maamulka degmada Berbera iyo dadka deegaanka, kuwaasi oo sheegay inay ka damqadeen dhibaatada dadkani ay la kulmaan, taasi oo ay ugu weyn tahay qorraxda, waana markii ugu horreysay oo tallaabo noocan ah laga qaado deegaanka.

Maxamuud Cabdi oo ka mid ah guddiga deegaanka Berbera ayaa sheegay dhibatada dadkan maskaxda ka jiran ay la kulmaan xilliyada kuleeha.

“Maadaama ay yihiin dad xiskoodu aan caadi ahayn halkaan ayeey ka lugeynayaan masaafo dheer bay tagayaan oo tuulooyinkaasi ah, dhexda ayeey nafta kaga sii baxaysaa, waxay inta badan dhintaan bilaha xagaagga sida ay u kala kulul yihiin, laakiin sanadkaan kuleelka aad buu u kululaa” ayuu yiri Maxamuud Cabdi.

Cumar Sayid oo ah madax daweynta bukaanka Isbitaalkan ayaa uga sheekeeyay Goobjoog News dawada ay siiyaan bukaankan iyo waxa ay u qabtaan.

“Annaga markii ay gacanteena soo gaaraan marka hore waxaan wax ka bedalnaa nadaafadiisa, inaan dejinno dawooyin siinno, inaan marka Seddaxaad siinno cuntooyin iyo wixii uu ku noolaan lahaa, qofka maskaxiyan xanuunsanaya waxa uu u baahan yahay inuu helo nadaafad, daweyn, wax uu cuno iyo wax uu goglado” ayuu yiri Cumar Sayid.

Xagga daweynta bukaanka lasoo ururiyay waxay u baahan yihiin xog ogaansho ka duwan kan qofku ehladoodu keeneen sida uu mar kale sheegayo Cumar Sayid.

“Qofka ehladiisa ay keeneen waxaa laga helayaa warbixin sax ah, sida uu u xanuunsanayay, marxaladda uu soo maray, dawoowyinka saxda ah marka qofkaasi warbixin sax ah ayaa laga helaa”

Waqtiga uu wariyaheena Cumar Seerbiya uu booqday Isbitaalkaasi waxay ku beegneyd xilliga qadada waxaana ay indhihiisu qabanayeen bukaanka oo cunto iyo biyo la siinayo waxaana madaxa qeybta quudinta Isbitaalkan Cumar Cabdi inooga waramay cuntooyinka ay helaan bukaanka oo ka timaada maamulka degmada iyo ganacsato deegaanka kasoo jeedda.

“Cuntadooda aad bay u wanaagsan tahay, iminka raashinka waxa weeye mid fara badan oo la siiyo sida baastada, Bariiska, xoolihii mar walba wey u joogaan mar walba iyagoo nool bay u joogaan waana u qalnaa, cabitaankooda aad buu u wanaagsan yahay, caanaha waan siinna wixii taag daran, Timir baa u taalla, marka ay u baahan yihiin oo dhan meesha wey u wada yaallaan, Shan jeer baan wax siinnaa, cashada Laba jeer baan siinnaa, qadadana Seddax jeer been wax siinnaa, quraacdana waxaan siinnaa shaakh iyo rooti waxaan ka dambeysiinnaa cabitaan, kadibna Baasto iyo Shaah caano leh, qofka baahan wejigiisa ayaan ku ogaannaa, hadii aanu raashiinka dooraneynna annaga ayaa u doorna”

Bukaanadan oo la rabo in goobta lagu sii hayo illaa ay ka caafimaadaan ayaa qaar kamid ah waxaa lasoo xiriiray ehladooda kadib markii ay caafimaad ahaan kasoo yara roonaadeen markii meeshaasi la geeyay, qaarkoodna ay iyaga ka warmeen xaaladooda caafimaad iyo meelaha ay ka yimaadeen.

Waxay qaarkood sheegeen inay ka yimaadeen meello fog fog oo Boosaaso ay ka mid tahay kadib markii ay xeebta soo raaceen.

Bukaanada Isbitaalkaan lagu daweynayo waxaa ka mid ah haweeney markii ay ladnaatay sheegtay inay kasoo tagtay magaalada Burco iyadoo xaaladeeda ay wanaagsan tahay hadda sida ay sheegtay Nimco Cabdi oo ka mid ah dhaqaatiirta ku sugan Isbitaalkan.

“Inan baa ku jirta oo illaa iyo iminka aan lahayn ehelkeedii laakiin wey fiican tahay, dawadeeda ayeey qaadataa, xaaladeedu waxay ahayd mid aad u adag, waxaa laga soo qabtay magaalada iyada oo darbiyada iska joofaneysay, markii ay ladanaatay waxay inoo sheegtay inay kasoo lugeysay magaalada Burco, marka hadda aad bay u wanaagsan tahay”

Inta uu bukaanku jiifo waa la dhowraa waxaana ay ku seexdaan sariiro, dhar loogu deqayna waa loo dhaqaa iyadoo maamulaha Isbitaalkaasi Farxaan Cabdi uu inoo sheegay in isbedal uu ku yimid bukaanka mudadii ay joogeen.

“Markii la keenayay waxay ahaayeen qaarkood kuwo aad u dayacan maanta isbedal ballaaran ayaa ku yimid, jir ahaan wey dayacnaayeen, nadaafad ma aanu jirin laakiinse hadda muuqaal wanaagsan baa adigaba kaaga muuqda, markii naloo keenayey qaarkood raashiinkaba kama aanu degeen laakiinse hadda iyaga ayaaba wax u canaya” ayuu yiri Farxaan Cabdi.

Qaar ka mid ah bukaanka oo caafimaad ahaan la dan waxay ka warami karaan xaaladooda sida Xuseen Cabdi oo isku arka inuu hadda caafimaadkiisa wax weyn iska bedalay.

“Anniga hadda aad baan isku bedalay, waxaa soo laabtay jadwalkii hore, shaqo ayaan diyaar u ahay, wax kasto waan ku shaqeynayaa, waxaan aqaanaa birta, darawal baan ahay, makaanik baan ahay”

21-kaan qof waxaa isbitaalka ku wehliyay 24 bukaan oo ehladooda ay keeneen, waxaana taasi ay ka dhigeysaa tirada Isbitaalkaan lagu daweeyo 45 bukaan ah.

W/D: Cumar Serbiya

Goobjoog News