U bood dhigaalka

Beyle oo Hal Biylan oo Doolar oo Xisaab Celin Ku Maqantahay oo Matalaaddii Lagala Noqday!

Sheeko:Amniga

Dadka deegaan doorasho ee HOP#201 ayaa kalsoonidii iyo matalaaddii kala laabtay wasiirkii maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Beyle oo kursiga ku fadhiyey muddadii lasoo dhaafay.

Doorasho saaka ka dhacday caasimadda Muqdisho, kana tirsaneyd midda gobolada waqooyi ayaa waxaa HOP#201 loo doortay Cabdulahi Xaashi Abiib, iyada oo Beylana uu sheegtay  saacado kahor inuu ka haray tartanka, sababna uga dhigay in xildhibaannimada ay caqabad ku tahay shaqadiisa wasiirnimo iyo dhaqaalaha iyo miisaaniyadda dalka.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle oo ka hadlay waxaa uu yiri“ Halkan waxaan u joogaa inaan maamulo miisaaniyadda dalka, wax kale oo aan halkan u joogo ma jiraan, Laakin haddii aan aniga tayda ka hadlo misaaniyadda iyo dhaqaalaha dalka ayaan u joogaa in aan si sharciyeysan oo adduunku ogyahay, dad badan ayaan ku kala dhimanay oo asxaab badan ayaan ku waayey. Laakiin hal, 10 iyo 100 Nation-ka ayaa ka weyn, wax allaala wixii caqabad yar u keenaayo habsami usocodka anigu waan iska leexiyey. Qandaraas la qabanayo la rabo ayada oo aan tartan loo galin oo aan si fiican loo xalin ayadoo oo sharciga waafaqsan in si uu qof loogu leexiyo,  anigu waan iska leexiyaa waan iska dhaafay”.

Beyle oo sii hadlaya waxaa uu yiri “ Wax allaala wixii carqalad ii keeni kara oo dalkana qarqalad u keeni kara ee miisaaniyadda taabanaya ma yeelin, markaas dib ayaan u arkay in miisaaniyadda iyo kursiga ay isku taabanayaan “.

Inkasta oo uu Wasiir Beyle ka hadlay miisaaniyad, hufnaan iyo inuu qandaraasyo diiday, hadana waxaa xusid mudan in wasiirka maaliyadda ay ku maqantahay lacag ka badan hal bilyan oo doolar oo ah xiisaab celinta afartii sano ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale, Beyle oo ka tirsan Nabad iyo Nolol waxaa ay qeyb ka noqday cunaqabateynta Somaliland iyo Jubbaland, iyada oo taageerada dowladda ee dhaqaale ahaan loo adeegsaday caburin.

Beyle, marka laga soot ago maaliyadda waxaa uu si joogta ah ugu heesi jiray nabad iyo nolol, isaga oo waqti iyo hanti ku bixiyey raaligelinta Farmaajo, waxaa uuna qeyb ka ahaa wasiiradii ONLF ku daray argigixisada, isla markaana dhiibay mujaahid Cabdikariim Qalbi-dhagax.

Goobjoog News