U bood dhigaalka

Beyle “Shirkii Ugu Dambeeyey ee IGAD Waxaa Muqdisho Lagu Qabtay 1985-tii”

Sheeko:Dalka

BeyleSii hayaha wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Beyle oo maanta soo dhaweynayay illaa 6 wasiiro arrimaha dibada wadamada IGAD ooh al diyaarad la wada socdey ayaa sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay imaanshiyahooda, tanina tahay arrin taariikhi ah.

“Waxaan maqlay in shirkii ugu dambeeyey ee IGAD halkan ku qabatay wuxuu ahaa 1985, shirkaasi oo aan xitaa ahayn illaa heer wasiiro ee wuxuu ahaa Xoghayeyaasha guud” ayuu yiri Beyle.

Xoghayaha guud ee IGAD mudane Maxbuub oo isna saxaafadda la hadlay ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta wasiirka iyo qabanqaabada shirka, isagoo xusey in taariikh weyn ay tahay in iyada oo shirkii ugu dambeeyey ee IGAD lagu qabtay 1985-tii, hadda ay timaado fursad kale oo ay IGAD ugu shiri karto Muqdisho.

Wasiir Cabdiraxmaan ayaa sheegey in soo dhaweynta wasiirada qeybtii hore ay si wanaagsan u qabsoontey, iyada oo 6 wasiir ay hal diyaarad la socdeen, wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf uu yimid subixii hore.

Shirka wasiirada arrimaha dibada oo ah markii ugu horeysey oo Soomaaliya lagu qabanayo ayaa barito ka furmaya magaalada Muqdisho hoteel ku yaala, halkaasi oo uu ka soconayo muddo labo cisho ah.

Dowladda federaalka ayaa si weyn ugu diyaargaroowdey martigalinta shirkani oo loo arko in uu leeyahay muhiimad weyn oo xagga dublamaasiyadda ah.

Goobjoog News