U bood dhigaalka

Bidaarta Oo Daawo Cusub Loo Helay

Sheeko:Caafimaadka

Koox cilmi-baarayaal ah ayaa waxey gaareen daahrog cusub oo daawo u noqon kara “bidaarta” iyadoo la adeegsanayo dawo aasaaskeeda hore loo isticmaalo osteoporosis-ka lafa jileeca.

Sida ay BBC sheegayso daawada cyclosporine A ee lagu daweeyo lafa jileeca side-effect-ga ay leedahay waxaa ka mid ah iney timaha aad ah usoo bixiso.

Cilmi-baarayaashu waxey ogaadeen in protein-ka”SFRP1″ ay dawadani saameyntiisa hakiso, kaas oo mulokuyuullada(molecules) nudihiisa u diida inuu koro.

Daaweynta cusub ayaa la adeegsan doonaa daawo kale oo la yiraahdo Way-316606 oo loo diyaariyey si loo joojiyo protein “SFRP1” isla markaana uu daawo u yahay oo loo isticmaali karo lafa jilaaca.

Dr Nathan Hawkshaw oo daraasaddan qayb ka ahaa ayaa waxa uu leeyahay “Dawadani waxey farqi weyn aad u anfici doontaa dadka timuhu ka daadanayaan ee bidaartu ku socoto.”

Dr Hawkshaw waxa uu BBC u sheegay in loo baahan yahay tijaabooyin kale si loo hubiyo waxtarka dawadani u leedahay aadanaha iyo shaqadeeda.

Waxaa xusid mudan, waxaa hadda suuqyada yaalla oo bidaarta lagu daaweeyaa Labo nooc oo daawo ah, nooc koowad waa “minoxidil” oo ragga iyo dumarka loogu talagalay, nooca labaadna waa “finasteride” oo ragga oo qura u gaar ah, labadooduna waxey leeyihiin side-effect, dadka oo dhanna kuma habboona, sidaa darteed dadbadan waxey u leexdaan dhanka qalliinka oo timo loogu beero.

Goobjoog News