U bood dhigaalka

Biden:- Gacmaha Kama Laaban doono Hadii Ruushku Ku Duulo Ukrain

Sheeko:Amniga

Aqalka Cad ayaa shaaca ka qaaday, in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu la kulmay golaha amniga qaranka, oo ay ku jiraan La-taliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan iyo La-taliyaha Steve Richetti, xilli ay ka wadahadleen xiisadda Ukraine.

Aqalka Cad ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray ficillada gardarrada ah ee uu Ruushku ku hayo Ukraine, dadaallada lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda, iyo sidoo kale tillaabooyinka ka hortagga ah ee ay isku dubarideen Washington iyo xulafadeeda, sida gaarsiinta joogtada ah ee taakulada millitry ee Ukraine.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa dib u cusbooneysiiyay hanjabaadii uu u jeediyay kremlinka inuu ku soo rogi doono cawaaqib xumo uu ku sifeeyay mid degdeg ah oo khatar ah waa hadii Ruushku go’aansado inuu gudaha ugalo Ukraine.

Moscow ayaa ku dhawaaqday inay 12 diyaaradaha dagaalka ah oo noocoodu yahay Sukhoi, ay u dirtay Belarusia si ay uga qaybqaataan dhoolatus milateri, waxayna arrintan ku soo beegmaysaa iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ay amartay in qoysaska dublamaasiyiinteeda ay isaga baxaan Kiev, halka safiirka Ukraine u fadhiya London uu ku nuuxnuuxsaday inuusan meesha ka saarin karin codsiga ah in la geeyo ciidamo British ah dalkiisa haddii ay la kulmaan khatar dhab ah oo ka imanaysa Ruushka.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ay war khaldan oo been abuur ah ku tilmaantay hadalka Britain ee ku aaddan dadaalka Moscow ay ugu jirto in madaxweyne iyada daacad u ah ay geyso Ukraine, waxay hadalka Ingiriiska u tilmaantay caddayn cusub oo muujinaysa in dalalka NATO ay sii kordhinayaan xiisadda Ukraine.

Goor dambe oo sabtigii ah Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa ku eedeeyay Ruushka inuu doonayo inuu hoggaamiye daacad u ah ugaysto Kiev, isla xilligaana uu ka fikirayo Ruushku duullaanka Ukraine, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain ayaa intaa ku dartay in Moscow ay ka fiirsaneyso suurtagalnimada in Yevgeny Murrayev oo ah xildhibaan hore ay ka dhigto musharaxa ay baritaarayso.