U bood dhigaalka

Biixi Iimaan Oo Markale Loo Dortay Xildhibaan Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gaba gabeeyay doorashada kursiga labaad ee golaha shacabka ahna kursiga labaad ee kuraasta gobalada Waqooyi .

Kursigan ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah Biixi Iimaan Cige iyo musharax Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil.

Musharax Biixi Iimaan Cige oo ku soo baxay kursiga ayaa helay codad gaaraya 91 cod, halka Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil uu helay 9 cod.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa shaaciyay natiijada doorashada kursiga Hop#237 oo uu ku soo baxay Biixi Iimaan Cige.

Goobjoog News