U bood dhigaalka

Bill Gates waa ninka ugu Qanisan Aduunka

Waxaa talaadadii Forbes ay soo saareen liiska dadka ugu taajirsan aduunka, waxaana kaalinta koobaab ku jira ninka iska leh shirkadda Microsoft ee lagu magacaabo Bill Gates.

Bill Gates waxaa sanadkii 3-aad oo isku xigta noqonayaa ninka ugu taajirsan aduunka, waxaa sidoo kale xusid mudan in liiskan oo la sameeyo sanad walba uu 22-kii sano ee ugu dambeysay isaga uu noqday 17 sano oo ka mid ah ninka ugu hantida badan.

Biil Gates waxaa hantidiisa lagu qiyaasay ilaa $79.2 billion, sidaa ayuuna ku noqday ninka horkacaya liiska ugu hantida badan caalamka.

Liiskan waxaa kaloo ku jira Amancio Ortega oo iska leh Zara fashion chain, hantidiisa waxaa lagu qiyaasay ilaa  $67 billion, waxaa xiga Berkshire Hathaway oo leh aduun dhan $60.8 billion; Telecom’s Carlos Slim isna  $50 billion halka Jeff Bezos hantidiisa lagu sheegay ilaa  $45.2 billion.

Ninka iska leh Facebook  Mark Zuckerberg ayaa galay kaalinta 6-aad waxaa hantidiisa lagu qiyaasay ilaa  $44.6 billion.

Wargeyska  Forbes oo liiska Belyuuneerada sanad walba sameeyay waxaa uu leeyahay waxaa haatan dunida ku nool ilaa 1826 qof oo hantidooda ka badan tahay hal bilyan.

Akhriste  liiskan waad geli kartaa, waxaa haddii aad tacab fiican sameyso, waxaa jira ilaa 198 qof oo liiska Bilyuuneerada sanadkan markii ugu horeysay ku soo biiray, dadkaas cusub 70 ka mid ah waa dalka shiinaha.

Dhinaca kale Haweenka Liiskan ku jira ee hantidooda ka badan tahay Hal Bilayn waxaa ku jira ilaa 190 Haween ah.