U bood dhigaalka

Binali Yildirim Ayaa Loo Doortay Hogaamiyaha Xisbiga AK Ee Turkiga

Sheeko:Dalka

Wasiirka gaadiidka ee dalka Turkiga Binali Yildirim ayaa si aqlabiyad ah loogu doortay madaxa xisbiga AK ee dalka Turkiga.

Yildirim oo isaga Erdogan ay wada aasaaseen xisbiga waxaa uu jiraa 60 sano, Waxaana saacado kadib doorashiisa la amray in uu soo dhiso xukuumad cusub kadib markii uu is casilay ra’iisul wasaare Ahmet Davutoglu.

Binali Yildirim waxaa uu siyaasadda ku soo biiray 2001-dii, waxaa ka garab shaqeyn jiray Erdogan markii duqa magaalada ka ahaa Istanbul kadibna waxaa ay wada aasaaseen AK party.

Doorashada Yildirim waxaa ay soo afjareysaa khilaafkii Erdogan iyo Davutoglu, waxaana lagu wadaa in xisbiga uu dago, xooggana uu saaro horumarka dalka.

Goobjoog News