U bood dhigaalka

Biro Lagu Jaray Jidcadayaasha Qaar Ee Degmada Waaberi

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka ayaa waxay xirtay waddooyin hor leh oo ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwo ku yaalla degmada Waaberi.

Jidcadayaasha ka yimaada degmada Waaberi ee soo gala wadada Makka Al-mukarrama ayaa lagu jaray biro, halkaasina kama soo gudbi karaan gaadiidka.

Inkastoo aan la ogeyn sababta birahan loogu muday jidcadayaashan, ayaa hadana dowladda waxay waddey howlgallo waddooyinka dib loogu furayo.

Gaadiidka kasoo dhex baxa xaafadaha degmada Waaberi ayaa qasab waxay ku tahay inuu aado dhanka laamiyada waaweyn, waayo ma awoodi karo xilligan inuu soo aado dhanka wadada Makka Al-mukarrama.

Waxaan inoo suurtagelin inaan qadka taleefanka ku helno maamulka degmada Waaberi si aan xog badan uga sii helno.

Horey waxay dowladda federaalka carro badan iyo dhagxaan ugu xirtay jidcadayaashii isku xirayey waddooyinka wadnaha iyo Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News