U bood dhigaalka

Bisha Cas ee Imaaradka oo Qoysas ku afurisay Muqdisho

Sheeko:War
IMG_7471
Qaar ka tirsan danyar raashin lagu siinayo degmada Cabdilcasiis

Dowladda Imaaradka Carabta ayaa maalintii 19-aad ka wada qeybo ka mid ah degmooyin ka tirsan caasimada Muqdisho ee Gobolka Banaadir qeybinta raashin bisil oo ay ugu tala gashay inay ka faa’iidaystaan dadka danta yare ee aan waxba haysan, kaasi oo iskugu jira afur iyo casho bisil.

Bisha Cas ee dowlada Imaaradka Carabta ayaa galabta ka bixinaysay Degmooyinka Cabdicasiis,Shangaani, Warta Nabada,Hodan iyo Dayniile oo ay ka bilowday bixinta raashinkan bisil maalintii koowaad ee bisha Barakaysan.

Maryamo Cali Faarax oo ka mid ah haweenka ku dhaqan degmada Cabdulcasiis oo galabta laga bixinayay raashinkan bisil ee afurka ah ,waxayna sheegtay inay si aad ah oo wayn mahad ballaaran ay u dirayso walaalaha Bisha Cas ee dowlada Imaaradka Carabta.

Sidoo kale Maxamed Cabdulaahi Xasan oo isna ka mida odayaasha ku dhaqan Degmada Cabdulcasiis ayaa isna sidoo kale mahad ballaaran u jeediyay dowlada Imaaradka Carabta oo uu sheegay inay marar badan ay soo gaarsiiyeen kaalmooyin iskugu jira Daawooyin iyo Raashin cayriin iyo mid bisil ,waxaana uu dhinaca kale taabtay inay degmada Cabdulcasiis dadka ku dhaqan ay si wayn ugu baahan yihiin in si wayn loo soo gaarsiiyo Kaalmooyin maadaama lagu guda jiro bil barakaysan.

Bisha Cas ee dowlad Imaaradka Carabta ayaa ballan qaaday in inta lagu guda jiro bishan Barakaysan ee Ramadaan ay ka bixin doonaan degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Banaadir Kaalmooyin iskugu jira Dhar iyo Raashin ,kuwaasi oo la siin doono dadka ay aad u liidato dhaqaalahoodu iyo Tabartoodu.

Wararka Goobjoog news