U bood dhigaalka

Bixinta Canshuurta Dalka Far Baa Ku Godan!

Sheeko:Dalka

Canshuurta ayaa ah  ka qeyb qaadashada kaabaha dhaqaale ee Dal walbo si looga horumariyo  adeegayada danta guud sida waxbarshada, caafimaadka iyo dhisida Xarumaha bulshada muhiimka u ah  ee dalka.

Wixii ka danbeeyay 1991-kii markii ay meesha ka baxday dowladdii Milatariga ee uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre waxaa guud ahaanba istaagay canshuurtii ay muwaadiniinta bixin Jireen si taa badelkeeda ay dowladda kaga helaan.

Waxaa dalka ka dhacay dagaallo, waxaa soo maray talisyo kala duwan iyadoo mid walba halka uu ka taliyo uu dadku ku amrayey inay bixiyaan Canshuurta xoog ama xeelad middii ay doontaba si ay danahooda ugu sameystaan.

Dowlado badan oo KMG ahaa ayaa dalka soo maray, mid walba horay ayeey usoo qaadatay boorsadii ay ku uruursan lahayd canshuurta muwaadiniinta Soomaaliyeed laga qaadayo, iyada oo taa bedalkeeda aan bulshada la siin sida in waxyaabo muhiim ah loogu qabto.

Bal aynu u imaanno dowladda Federaalka ah ee hadda dalka ka jira, waxaa guud ahaan laga qaadaa ganacsatada kuwooda ugu yar iyo kooda ugu sareeya lacag canshuur ah, hadane ma muuqato wax la taaban karo oo dalka iyo dadka loogu qabtay, iyadoo tusaale ay ku filan tahay askarigii amniga sugayey oo laga yaabo in dhowr bil aanu arag wax mushaar ah.

Lacaga faraha badan ee kasopo xaruuda canshuurta dalka waxa ay ku dhacaan Xisaabaad gooni ah, ama waxay ku baxdaa wax dalka iyo dadka aan faa’ido badan ugu jirin.

Magaalada Muqdisho lacagaha ugu badan waxaa laga qaada Gawaarida dadweynaha (PL)  Bajaajka,  Suuqyada.  Dekadda, Garoonka Diyaaradaha, guryaha oo dhawaan la billaabay iyo meello kale oo muhiim ah.

Hadii Aad marto suuqyada waxa aad arkeysaa Labo Askari oo u dhameystirneyn dareeska Ciidmada kana muuqan masuuliyada gaar ah dadkana la dhex maraya qori ammaankiisu furan yahay kuwaas oo sheegaya in canshuur ay qaadayaan, dadkuna ay lacagta ku bixiyaan iyaga oo wadnaha farta ku haya cabsi darteed, halkii looga baahnaa in shacabka iyaga oo qoslaya ama dhoola cadeynaya inay lacagta bixiyaan.

Midba mid baa ka daran, waxaad kaloo arkeysaa askar kale oo qoryaha hal gacan ku wata misane eryana Mootooyinka Bajaajka ama Seddax Lugoodka, lagana yaabo mararka qaar in uu rasaas ku rido, waxa uu u eryanaya ay tahay lacagta Canshuurta.

Bal aynu dib u eegno Dastuurka KMG ee dalka u yaalla qodobkiisa 42-aad farqaddiisa (H) waxa uu leeyahay sidan:-

Noqda Canshuur bixiye wanaagsan si uu ugu qeyb qaato kharajka Dowladda si waafaqsan wwoodiisa wax bixineed Iyo sharciga

Bal Isku eeg sida Ay ciidmadu u qadayaan canshuurta muwaadinka Iyo sida Dastuurka ku qoran

Kuma Ayaa Qaadayo Canshuurta, Yaase Lagula Xisaabtamayaa?

Qaadista  Canshuurta waxa laga rabaa in ay kaalin weyn ku lahaato wasaaradda Maaliyada si loo helo cid lagula xisaabtamo maadaama lacagaha canshuurta dadkii laga soo qaaday ay sugayaan in badelkeeda dowladda looga helo balse taa ma muuqato.

Ma aysan dhicin in ay qaadaan canshuurta  wasaarada Maaliyada oo waxaa ka qaada dadka canshuur bixiyaasha askarta loo yaqaano Minashiimbiyo oo ahayd shaqadooda ilaalinta dhismayaasha sharci darada ah iyo kuwa aan ka heesan ruqsad ama fasax maamulka Gobalka iyo kan dagamada iyo howlo kale oo arrimahaasi la xiriira.

Hadii aad la sheekaysato waxa ay kuu sheegayaan in lacagta la qaado aanayba qasnad u gudbin oo maamulka meeshaasi ka arrimiya loo geynayo,!

Muqdisho waxaa ka shaqeysa ku dhawaad 2000 kun gaari  nooca xamuulka qaada,  tiro la eg intaasina aad uga badanna waa kuwa Raaxada  iyo ku dhawaad 6 kun oo mooto Tuk tukleyda (Bajaaj)  dhamaan waxaa laga qaadaa lacagaha Canshuurta  iyada oo aanan Hal laami oo caasimada ku yaalo loogu dhisan iska daaye meel ay maraan oo waxaa laga mamnucay adeegsiga wadooyin muhiim u ah bulshada mararka qaarne madaxda ayaa loo xiraa wadooyinka ay adeegsadaan.

Waxyaabaha dowlada laga Rabo in ay ku  qabato lacagaha Canshuurta waxaa ka mid ah:-

1: ku ilaalinta Amniga muwaadiniinta iyo kan dalka iyada oo U adeegsaneyso bixinta mushaaraadka ciidmada qalabka sida

2: ku hagaajinta xarumaha caafimaad

3: waxbarashada

Iyada oo muwaadinku xaq u leeyahay in uu helo  dhamaan waxyaabaha lagama maarmanka u ah nolasha Dadka  .

Dowlada waxaa waajib ku ah in  ay ka warqabto  muwaadiniinteeda ku sugan gudaha dalka ama dibadda.

Ka war qabka maahan oo kaliya in uu iska noolyahay  oo waxa laga rabaa in ay ogaato sida uu u noolyahay.

W/Q: Ibraahim Xaaji Yuusuf

[email protected]

Goobjoog News