U bood dhigaalka

Biyaha Zamzam-ka oo Awaamiir Laga Soo Saaray

Sheeko:Caalamka

Iyadoo dowladda Sucuudigu ay sheegtay in weli ay jiraan xayiraadaha Karoona Virus ee lagu hakiyay Xujayda ka imaanayo waddamo dhowr ah, xilli dhowaan laguda galayo bisha Carafo ayaa haddana waxaa dowladdu amar kasoo saartay Biyaha barakaysan ee Zamzamka oo Xujaydu soo qaataan marka ay tagaan Xajka.

Dowalddu waxaa ay sheegtay in la mamnuucay in dadka Xujayda ah ee Cumraysanaya in dhalooyinka ay ku qaataan Biyaha Zamzamka oo ay la aadaan guryahooda,  waxaana sidoo kale la mamnuucay in biyaha ay dadku ku qaataan wadooyinka inta ay ku jiraan Cumrada, xilli dhowaan Xajku bilaabanayo.

Talaadadii, Hay’adda Guud ee Duulista Rayidka (GACA) ayaa soo saartay wargelin ku saabsan hab-raacyo cusub oo si rasmi ah uga mamnuucaya Xujaayda Xajka iyo Cumrada in ay dhalooyin ay ku jiraan biyaha ZamZam aysan uu qaadan karin guryahooda sidoo kale aysan la mari karin wadooyinka.

Amarkan oo ku taariikheysan 17-ka May waxa uu ku waajibinayaa dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala Sucuudiga in ay si adag u xaqiijiyaan in rakaabka ku safraya Jeddah ama garoon kasta oo kale oo Boqortooyada ku yaala aanu wadanin dhalooyin ay ka buuxaan biyaha ZamZam-ka.

Goobjoog News