U bood dhigaalka

Biyo Dhaamin Laga Billaabayo Deegaannada Puntland Ee Abaartu Ka Jirto

Sheeko:Dalka

Gudiga gurmadka biyo dhaaminta deegaanada Puntland ayaa sheegay iney ku guda jiraan qabanqaabadii ugu dambeysay oo ay ku doonayaan iney biyo dhaamin ugu sameeyaan dadka abaartu saamaysay.

Gudigaan oo ka kooban culuma’udiin, waxgarad, iyo ganacsato ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay magaalada Boosaaso kawadeen yabooh dadka dhaqaale looga qaadayo oo ku aadan in la gargaaro walaaha haraadka iyo gaajada ugu dhimanaya deegaanno ka mid ah gobollada Bari, Sanaag, Nugaal iyo gobolka Sool qeybo ka mid ah.

Gudiga ayaa sidoo kale waxay tilmaameen in qiimeyn ay sameeyeen meelaha ugu daran ee haraadku ka jiro ay tahayay  Magaalooyinka Baran, Dhahar, Xiin-galool iyo tuulooyin badan oo hoostaga degmooyinkaasi.

Shiikh Fu’aad Maxamuud Xaaji oo ah gudoomiyaha gudigaas biyo dhaaminta oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay iney hada howsha gurmadka ah ay ku billaabayaan lacago aan badnayn oo ay kasoo uruuriyeen dadka shacabka ah.

“Waxaan wadnaa qaban qaabada biyo dhaamin loo sameynayo dadka ay la degtay Abaarta, harraad baa dadkii haya, waxaan wadnaa dadaal xooggan oo aynu ku dooneyno in dadkaasi loogu gurmado, biyo dhaaminta waxaan billaabi doonnaa maalmaha soo aadan sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri gudoomiyaha.

Sheekh Fu’aad ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo wax awoodda iney kaalin xooggan ka qaataan sidii loogu gurman lahaan dadkan dhibban ee u dhaw in harraad awgiis u geeriyoodaan.

Goobjoog News