U bood dhigaalka

Biyo Kasoo Rogmaday Badda Oo Ku Fatahay Xaafado Ka Tirsan Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in Biyo kasoo fatahay badweynta Hindiya ay saameeyeen dad ku dhaqan xaafado ku yaalla magaaladaasi.

140 Mitir ayaa la sheegay in biyahan ay dhanka xaafadaha Kismaayo usoo galeen gaar ahaan xaafadda Farjanno sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Kismaayo.

Maamulka Jubbaland oo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa ku guuleystay inay biyo celin ka sameeyaan xaafadaha ay biyuhu soo galeen, waxaana ay dhigeen carro la doonayo in biyuhu aanay kasoo gudbin.

Dhinaca kale biyo sidaan oo kale uga soo rogmaday badda ayaa ku fatahay deegaannada Kudhaa, Kooyaamo iyo raaskambooni kuwaasi oo la sheegay inay la tageen xoolo fara badan, sidoo kalena ay dumiyeen guryo dad shacab ah ay deganaayeen.

Wariyaheena Mascuud Cabdullaahi oo ku sugan Kismaayo ayaa soo sheegaya in haatan maamulka Jubbaland uu wado dadaal ku aadan sidii shacabka looga samatabixin lahaa biyahan kasoo rogmaday badda ee deegaanno ka tirsan Jubada Hoose saameeyay.

Goobjoog News