U bood dhigaalka

Biyo la'aan daran oo soo wajahday soomaalida ku nool xeryaha Dhadhaab

Sheeko:Dalka
Xeryaha Dhadhaab
Xeryaha Dhadhaab

Biyo la’aan baahsan ayaa la soo deristay dadka ku dhaqan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Maxamed Aadan Caraale oo ku sugan gudaha xeryahaas ayaa u sheegay Goobjoog FM in dadka aysan haysan xilligan biyo ay cabaan, waxaana sababta taasi uu ku sheegay in ay tahay shidaal loo waayay matooradii biyaha looga soo saari jiray ceelasha halkaasi ku yaalla.

Dadka ayuu tilmaamay in deegaano fog fog ay biyo ka raadsadaan, isaga oo intaa raaciyay biyo la’aanta in ay u dheertahay xaalado caafimaad darro iyo daruufo dhanka nolosha ah.

Xaaladaha adag ee dhanka biyo la’aanta iyo fayo dhowr xumida ayaa saameyn xun ku reebtay barakacayaasha soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo wadamada dariska ah.