Biyo La’aan Ka Jirta Deegaanno Ka Tirsan Gobalka Mudug

Deegaanno badan oo ka tirsan gobalka Mudug ayaa lasoo sheegayaa in xilligaan ay ka jirto Biyo la’aan aad u baahsan, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Deegaanka Bacaadweyn ee gobalka Mudug ayaa la soo sheegayaa in hadda meesha ugu daran ee Biyo la’aanta ka jirto ay tahay, waxaana taasi ay saameyn ku yeelatay deegaanada kale ee deegaankaasi hoostaga.

Gudoomiyaha Bacaadweyn Maxamed Saciid oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in Biyo dhadhankoodu dhanaan yahay ay halkaasi ku haystaan, kuwaa oo markii dadku cabeen ay ka qaadeen Shuban iyo Xanuunno kale.

“Biyaha aan halkaan ku haysanno waa, dadkii markii ay cabeen xanuunno ayeey ka qaadeyn, sidoo kale Biyo la’aanta deegaankaan kaliya ma ahan ee dhammaan deegaanada na hoosyimaada sidaas ayaa ka jirta” ayuu yiri gudoomiyaha.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Bacaadweyn ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug iyo hay’adaha samafalka ah in degdeg ay wax uga qabtaan xaaladda biyo la’aaneed ee halkaasi ka taagan.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW